Weerar lagu qaaday Guri uu degan yahay Xildhibaan katirsan BF iyo khasaaro ka dhashay

Weerar hoobiyaal loo adeegsaday ayaa saakay lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay hoobiye ayaa kusoo dhacay guri uu degmada Dharkeenley ka degan yahay xildhibaan Maxamed Keerow oo kamid ah xildhibaannada laga soo doortay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Hoobiyaha ku dhacay guriga xildhibaanka ayaa sababay geerida wiil uu dhalay oo lagu magacaabayay Maxamuud Maxamed Keerow, waxaa sidoo kale hoobiyaha ku dhaawacmay wiil kale uu adeer u yahay xildhibaanka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in hoobiye kale oo ku dhacay guriga xildhibaanka mid ku dhegan in uu isna dhaliyay khasaaro, waxaana guriga xildhibaanka ee hoobiyaha lagu weeraray gaaray ciidamo katirsan dowladda .

Dadka xaafada ayaana u gurmaday guriga xildhibaanka iyo dadka kale ee dariska la ahaa ee hoobiyayaasha lagu weeraray, waxaana xaafada dhibka ka dhacay laga dareemay xaalad adag iyo khal khal dhinaca ammaanka ah.

Hoobiyaashan kusoo dhacay xaafada Dharkeenley ayaan la ogeyn halka laga soo tuuray, waxa uuna weerarkan imaanaya xilli isbuucii hore sidaan oo kale hoobiye ugu oo dhacay xaafado katirsan degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -