Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo Magacaabay taliye ciidan

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Taliyaha Ciidanka Xasillinta Amniga Magaalada Laascaanood u magacaabay Gaashaanle Siciid Xasan Faarax.

“Hoggaamiye Cabdiqaadir oo mudnaanta kowaad siinaya ammiga iyo xasilloonida Laascaanood ee Caasimadda SSC-Khaatumo iyo guud ahaan deegaanada SSC ayaa ku soo xulay Gaashaanle Siciid Xasan Faarax aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay hoggaaminta, sugidda iyo hawlaha la xiriira xasillinta” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Khaatumo SSC.

Taliyaha iyo Ciidanka Xasillinta Ammaanka Magaalada Laascaanood ayuu Hoggaamiyuhu faray in ay si daacad ah, hawl-karnimo ku dheehan tahay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Dhinaca kale faray Ciidanka Xasillinta Amniga magaalada Laascaanood inay si daacadnimo ah, hawl-karnimo ku dheehan tahay u gutaan saddexda waajibaad ee loo igmaday, kuwaasoo kala ah; Xasillinta amniga gudaha magaalada iyo baraha magaalada laga soo galo,  la dagaalanka maandooriyaha iyo suulinta hubka aan ammaanka ka shaqeyneyn ee magaalada lagu dhex sito.

- Advertisement -