Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Taliyaha Xoogga dalka oo gaaray degmada Aw-dheegle ka dib weerarkii Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas  Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose ka dib weerarkii ay shalay ku soo qaaday kooxda Al-shabaab.

Sida ay sheegtay DF Al-Shabaab ayaa si xun loogu jebiyey weerarkaas Al-shabaab, lagana dilay qiyaastii 100 dagaalyahan, hub fara badana laga furtay.

Taliyaha ayaa kulamo uu la qaatay saraakiisha Xoogga ee ku sugan  degmada Awdheegle oo ku amaanay sida geesinimada leh oo ay u hor tageen Al-shabaab weerarka ay ku soo qaadeen degmada Awdheegle.

Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa xusay muhiimmda ay shacabka soomaaliyeed waqtigaan u leedahay in laga qabto wax uu ugu yeeray gacmaha khawaarijta dhibaatada u maleegga, waxaana uuna xusay iney muhiim tahay ka feejignaanta dhagaraha cadawga ayna ciidanka iyo saraakiisha xoogga dalka ee ka howlgallay degmada awdheegle ku amaanan yihiin sida u difaaceen shacabka degmada awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose.

Related posts

Daawo:-Khilaaf xoogan oo ka taagan qaabka loo soo xulayo mudanayaasha Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Cusub !!

admin

Daawo:-Axmed Madoobe oo sir badan banaanka kenay & in uu Farmaajo dhufeys iyo dagaal ugu jiray muddo sanad ah !!

admin

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay doorashada ka dhaceysa Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---