War cusub oo ka soo kordhay afgembigii milateri ee ka dhacay dalka Niger

Midowga Yurub ayaa joojiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray dalka Niger, iyadoo Mareykanka uu ku hanjabay in uu tallaabadaasi oo kale uu qaadi doono ka dib markii hogaamiyeyaasha militariga ay afgambiyeen madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay, Mohamed Bazoum.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum iyo in la soo celiyo nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkaasi.

Hogaamiyeyaasha afgambiga sameeyay ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in General Abdourahamane Tiani uu yahay madaxa dowladda.

Dalka Niger oo ka mid ah wadamada ugu saboolsan caalamka, ayaa sanadkii hela ku dhawaad 2 bilyan oo doollar oo kaalma dhanka horumarinta ah sida uu sheegay Bangiga Aduunka.

Niger waa saaxiibka muhiimka ah ee dhanka amniga ee wadamada reer galbeedka sida Faransiiska iyo Mareykanka, kuwaas oo isticmaalla saldhigyo Niger ku yaalla si ay u xakameeyaa kacdoonka Islaamiyiinta ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ee gobolka Saaxil.

Maraykanku waxa uu Niger ku leeyahay laba saldhig oo millatari oo ay joogaan ilaa 1,100 (kun iyo boqol) askari, waxa kale oo uu dalkaasi ku bixiyaa boqolaal milyan oo doollar oo dhinaca ammaanka iyo horumarinta ah.

Xulafada shisheeye ee Niger ayaa ilaa hadda diiday in ay aqqoonsadaan dowladda cusub ee milatariga ah ee uu hogaamiyo General Abdourahamane Tiani, oo hore u ahaa madaxa ilaalada madaxtooyada, kaasi oo saraakiishu ay Jimcihii ku dhawaaqeen in uu yahay madaxa Niger.

Madaxweynaha la afganbiyay Bazoum ayaan warkiisa la maqal tan iyo Khamiistii markaasi oo uu ku xirnaa gudaha madaxtooyada, inkastoo Midowga Yurub, Faransiiska iyo kuwa kale ay sheegeen in ay weli u aqqoonsan yihiin inuu yahay madaxweynaha sharciga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -