Gudoomiye Sacdiyo: “Siyaasada waxaa ku soo kordhay in gabar gorgorada lagu dhego”

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa ka hadashay talaabadii looga hor istaagay inay u duusho magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Diyaarad lagu waday inay Muqdisho ka qaaddo Sacdiyo ayaa lagu amray inaysan soo qaadi karin guddoomiye ku xigeenka iyo wefdi la socday oo isugu jiray Wasiiro, xildhibaano, iyo madax dhaqameedyo ka soo jeeda Puntland

Sacdiya ayaa lagu waday inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab, oo ah suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri xafladdiisa caleema saarka ay ka dhacdo magaalada Garowe.

Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa ku eedeysay madaxweyne Deni inuu ka dambeeyey falkaas looga celiyay inay ka dagto Garowe.

“Siyaasada waxaa ku soo kordhay in gabar gorgoradeeda lagu dheganaado. Deni, celinta uu isoo celiyay xishood la’aanta siyaasadeed baan anigu ku magacaabi karaa,” ayay tiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Sacdiyo waxay ugu baaqday isimada iyo xildhibaanada Puntland inay ka hadlaan sababta kaligeed loo bartilmaameesado, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in Puntland laga badbaadiyo Madaxweyne Deni.

“Reer Puntland, hadday ahaan laheyd Isimo iyo shacab waa inay jawaab ka bixiyaan sababta uu Deni labo jeer Garowe iiga celiyay,” ayay hadalkeeda ku dartay Sacdiyo.

Waa markii labaad oo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya laga celiyo Puntland. Sanadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale laga celiyay inay kasoo dagto magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -