Kolonyo ciidan Mareykan ah oo lagu qarxiyey duleedka Kismaayo & AFRICOM oo..

Taliska Milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in saaka kolonyo milatari oo ay la socdaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ay la qaraxday walax qaraxda oo waddada dhinaceeda la dhigay.

Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Kismaayo. xili ay ciidamadu ku jireen howlgal roondo ah.

AFRICOM waxay sheegtay inaan wax khasaare ah kasoo gaarin qaraxaas ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ah labadaba.

Mareykanka ayaa beeniyey wararka sheegayaa inuu khasaare ka soo gaaray qaraxaas, iyagoo ku tilmaamay kuwo been ah oo aan waxba ka jirin.

Mareykanka ayaa waxaa soomaaliya ka jooga boqolala askari oo dhinaca tababarada iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ka taageera milateriga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -