Heshiis Sadex Geesood ah oo lagu kala saxiixday magaalada Asmara (Daawo Sawirada)

Madaxda Wadamada Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo ku wada sugan magaalada Asmara  ee Caasimada dalka Eritrea ayaa xalay kala saxiixday Heshiisyo sadex geesood ah oo ka kooban qodobo kala duwan.

Heshiiskan ayaa ayaa dhigaya in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa wadahadlo ay yeesheen kadib heshiiska Sadex geesoodka ah kala saxiixday.

Hogaamiyaashan ku shiray magaalada Asmara ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka xoogan ee dhinaca xadka ah ee u dhaxeeya dowladaha Jabuuti iyo Eritrea .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -