Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in 70% hoos loo dhigay weeraradii Al-shabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamada xoogga dalka ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab

Kulankii golaha wasiirada ee shalay ayaa lagu sheegay in howlgalada xorreynta dalka ay suurta-gelisay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay Al-shabab ka geysan jireen dalka.

“Waxaa lagu guuleystay xasillinta caasimadda oo sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon ee la dhaafay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay golaha Wasiirada.

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo khuseeya xaaladaha dalka.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ayaa ka wada gobolo ka tirsan bartamaha Somalia wejiga labaad ee howlgal balaaran oo Al-shabaab looga saaray degmooyin iyo degaano badan, kuwaasoo hoos u dhigay awoodii ay kooxdaas ku laheyd meelo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -