Nin Oday ah oo Sabab layaab leh u helay Xaj Bilaash ah iyo hadal heyn ka dhalatay

Nin oday ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa si weyn caan u noqday hadal heyn badana ka abuuray baraha bulshada, kaddib markii muuqaal laga duubay isaga oo kasoo baxaya Masjidka Nebigga ee Madiina .

Cabdulqadir oo 82 jir reer Pakistan ah ayaa dadkii daawaday muuqaalka laga duubay ku tilmaamay in uu shabaho aadna ugu egyahay asxaabtii hore, waxaana odaygan muuqaalkiisa si weyn ugu faafeen baraha bulshada.

Ninkan odayga ah oo kamid ahaa dadkii sannadkan cimreestay ayaa markii uu ku laabtay dalkiisa Pakistan wareysi uu bixiyay ku sheegay in muddo 15-sanno ah ku qaadatay in uu aruuriyo lacagta uu kusoo cimreestay.

Wareysiga uu bixiyay kaddib ayaa durba ninkan odayga ah waxaa u kacay dad muxsiniin ah oo kasoo kala jeeda Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga, kuwaa oo qof walbo dalbanayay in sannadkan qarashka ku baxaya in uu soo xajiyo odayga iyagu bixinayaan.

Caannimada lama filaanka ah ee ninkan odayga ah ayaa sabab u noqotay in ilaahey usoo diro dad muxsiniin ah oo ka bixiya qarashaadka uu xajka ku tagayo sannadkan maadaama uusan awood badan laheyn lacagtaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -