Siyaasiyiin Caan ah oo war kulul kasoo saaray xaalada ka taagan magaalada Laascaanood

Waxaa sii kordhaya siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida kulul u cambaareenaya dadka shacabka ee magaalada Laascaanood ku dilayaan ciidamada ka ammar qaata maamulka Somaliland.

Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland oo qaarkood xilal ka soo qabtay dowladda federaalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray Xaalada Laascaanood, waxayna ku eedeeyeen Maamulka Somaliland inay xasuuq ka wado magaaladaas.

Sidoo kale waxay ku dhaliileen Puntland inay dhegaha ka fureysatay xaalada amni iyo midda bani’aadanimo ee Laascaanood, waxaa kaloo wax laga xumaado ku tilmaameen in dowladda Federaalka iyo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran inay ka baaqsadeen inay cambaareeyaan ama wax war ah ka soo saaraan Xaalada Laascaanood.

 

- Advertisement -