(Sawirro) Museveni oo dhaleeceyn kala kulmay sawir uu bartiisa Twitterka soo dhigay

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa dhaleecayn dhanka la kulmay ka dib markii uu boggiisa rasmiga ah ee Twitter soo dhigay sawir marin habaabin ah oo ku saabsan buuraha Rwenzori isagoo isku dayaya inuu muujiyo quruxdeeda.

“Labada khudbadood ee aan ka jeediyay London, UK Isniintii iyo shirkii hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Afrika ee maanta ka dhacaya Washington DC. Waxaan sii waday inaan iftiimiyo quruxda gaarka ah ee Uganda, yaababka Rwenzori iyo cimilada sare ee wanaagsan. Taasi waa sababta aad baraf joogto ah uga hesho Dhulbaraha” ayuu yiri madaxweynaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka

Madaxweynaha ayaa halkii uu soo bandhigi lahaa buuraha Rwenzori, waxa uu shaaciyay sawirro muujinaya buurta Sefton oo ku taalla dalka New Zealand.

Dadka isticmaala baraha bulshada gaar ahaan barta twitter-ka ayaa dhaleecayn u soo jeediyay madaxweynaha iyaga oo ugu baaqay inuu sawirada khaldan meesha ka saaro.

Arrintan ayaa dad badan fajac ku noqotay, iyagoo la yaaban sida Madaxweynuhu u kala garan waayey buurta dalkiisa ku taalla iyo buuraha kale, xili uu xukunka dalkaas hayey muddo ka badan 30 sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -