Itoobiya oo dib ugu soo celisay gobolka Tigray qaar ka mid ah adeegyadii bulshada

Itoobiya ayaa korontadii dib ugu soo celisay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray halkaasoo ciidamada federaalka ay kula dagaalameen fallaagada TPLF labadii sano ee la soo dhaafay.

Dadka ku nool magaalada ayaa hadda si buuxda ugu riyaaqay tallaabadani ka dib muddo ka badan hal sano oo ay koronto la’aan ahaayeen.

Warbaahinta Fana ee ay dawladdu leedahay ayaa laga soo xigtay afhayeen u hadlay Wakaaladda Korontada ee Itoobiya (EEP) oo sheegay in korontadii dib loo soo celiyay ka dib markii dayactir lagu sameeyay khadka korontada.

Shirkadda isgaarsiinta ee Ethio Telecom ayaa sidoo kale dib u soo celisay adeegyadii magaalada Shire iyo deegaanada ku xeeran. Qoysaska ku nool dalka dibaddiisa ayaa sheegay sida ay ugu dambeyntii labo sano kadib u suurtagashay in ay wacaan eheladooda.

Dowlada Itoobiya iyo falaagada Tigray ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalaadii dhexmarayey labada sano oo ay ku dhinteen kumanaan qof, islka markaana geystay burbur fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -