Haweeneydii ugu horeysay oo caawa garsooreysa ciyaar ka tirsan Koobka Dunida (Sawirro)

Stephanie Frappart oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee garsoore ka noqota ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka ee ragga, kaddib markii loo doortay inay qabato kulanka caawa dhexmari doona Germany iyo Costa Rica.

Stephanie Frappart ayaa horey u noqotay haweeneydii ugu horeysay ee garsoore ka noqota tartamada Champions League ee ragga iyo isreebreebka Koobka Adduunka, waxayna haatan dhigi doontaa rikoor cusub koobka adduunka 2022 iyadoo qeyb ka ah koox dumar ah oo garsoorayaal ah.

38-sano jirtan ayaa hogaamin doonta koox dumar ah oo garoonka ku sugan kulanka Group E ee ka dhici doona garoonka Al Bayt Stadium, iyadoo Neuza Back oo Brazil u dhalatay iyo Karen Diaz Medina oo u dhalatay dalka Mexico loo doortay inay caawiye u noqdaan.

Frappart ayaa durba taariikh ka sameysay tartankan, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee garsoore ka noqota ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka ee ragga, iyadoo aheyd garsooraha afraad kulankii dhexmaray Mexico iyo Poland Talaadadii hore.

FIFA ayaa liiska 36-ka garsoore ee tartankan ku tartami doonta ku soo saartay saddex dumar ah oo garsoore ka noqon doona tartanka, iyada oo Qatar ay ku sugan yihiin Salima Mukansanga oo u dhalatay Rwanda iyo Yoshimi Yamashita oo Japan u dhalatay.

Sarkaal Faransiis ah ayaa magaceeda hore ugu qoray buugaagta taariikhda. Bishii Maarso 2021, waxay noqotay garsoorihii ugu horreeyay ee dumar ah ee qabta xilka isreebreebka Koobka Adduunka ee ragga iyadoo Netherlands ay 2-0 ku garaacday Latvia ciyaar ka dhacday Amsterdam.

Bishii Disembar 2020 waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee garsoore ka noqota ciyaaraha Champions League ee ragga markii kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus ay 3-0 ku garaacday kooxda Ukraine ee Dynamo Kyiv ciyaar ka dhacday Turin.

Waxay sidoo kale dhex dhexaadisay ciyaartii Super Cup-ka ee Liverpool iyo Chelsea 2019, iyo finalkii Koobka Adduunka ee haweenka ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Netherlands isla sanadkaas.

Waxay sidoo kale dhex dhexaadisay ciyaartii Super Cup-ka ee Liverpool iyo Chelsea 2019, iyo finalkii Koobka Adduunka ee haweenka ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Netherlands isla sanadkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -