Milatariga Soomaaliya oo dilay Dagaalyahano katirsan Al Shabaab iyo Jeneraal Odawaa oo …

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay Tuulada Killi-jiido oo hoostagta degaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, howlgalkan ayaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta afka dowladda Soomaaliya ku hadasha ayaa baahisay in ciidamada dagaal la galeen dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa Tuulada Killu-jiido ayna halkaasi khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay la galeen Al Shabaab kaga dileen ku dhawaad toban dagaalyahan sidoo kale kaga dhaawaceen tiro intaas ka badan, waxa ayna intaa ku dareen in hub kala duwan dagaalka uga soo furteen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, sheegay in howlgalka ka dhacay Shabeelaha Hoose Al Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay, waxa uuna xusay in ciidamada bur buriyeen goobo dadka ku dhibaateen jireen.

Odawaa ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo kooxda  Al-Shabaab, isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo meelaha ay kaga suganyahiin dalka.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa gobolka Shabeelaha Hoose ka sameeya howlgalo ay ku tagaan tuulooyin iyo deegaano ay Al Shabaab joogaan, waxaana xusid mudan in ciidamada goobahaasi dib uga soo laabtaan saacado kadib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -