Joe Biden oo laga helay COVID-19 iyo faahfaahin laga bixiyey xaaladiisa Caafimaad

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laga helay xanuunka COVID-19, sida shaaciyey Aqalka Cade ee looga arrimiyo Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lau sheegay in 79 jirkan uu dareemayo astaamaha cudurka oo qafiif ah, isla markaana uu si buuxda u gudan doono shaqooyinkiisa isagoo isku go’doomin doona Aqalka Cad.

“Si buuxda ayuu u talaalan yahay wuxuuna laba jeer qaatay tallaal xoojin ah. Wuxuu dareemaya astaamo kooban,” ayaa lagu yiri War-saxaadeedka kasoo baxay Aqalka Cad, oo intaas ku daray in Biden uu billaabay qaadashada kaniiniga difaaca COVID-19 ee Paxlovid, oo ay sameyso shirkadda Pfizer.

“Si waafaqsan tilmaamaha CDC, wuxuu isku go’doomin doonaa Aqalka Cad, wuxuuna si buuxda u gudan doonaa waajibaadkiisa muddadan.” ayaa lagu qoraalka aqalka cad.

Biden ayaa lagu warramay in guud ahaan xaaladdiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, hase yeeshee da’diisa 79 jirka ah ayaa abuureysa walaac ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo COVID-19.

Biden ayaa lagu waday inuu maanta u safro gobolka Pennsylvania, taasi oo qeyb ka ah safarro uu dalka gudihiisa ku marayo si uu u xoojiyo xisbiga Dimoqraadiga kahor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee bisha November.

Dimoqraadiga ayaa wajahaya doorasho adag oo ay u badan tahay in loogala wareego aqlabiyadda Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka.

- Advertisement -