Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo beri u ambabaxaya safar kale oo dibeda ah

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu berri oo Khamiis ah u safro Magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Xassan Shiikh waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan goleyaasha xukuumada iyo Baarlamanka Somalia.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka wadamada Suuqa furan ku midoobay ee Afrikada Bari “East African Community” (EAC) kaasoo ka furmaya magaalada Arusha.

Somalia oo aan ururkan xubin ka aheyn ayaa muddo badan dedaal ugu jirtay sidii ay ugu biiri laheyd dalalka xubnaha ka ah, ka qeyb galka Madaxweyne Xasan Shiikh ee shirkana arintaas ayuu la xiriiraa sida ay Allbanaadir Online u sheegeen saraakiil ka tirsan Villa Somalia.

Madaxweyne Xassan Shiikh oo xilka loo doortay 66 cisho ka hor ayaa safarkan uu ku tagayo dalka Tanzania waxaa uu noqonayaa kii lixaad ee uu dibeda ugu baxo.

- Advertisement -