Booliska Kenya oo Magaalada Nairobi ku laayey todoba nin oo hubeysan (Sawirro)

Ciidanka Booliska Kenya iyo dabley hubeysan oo dhac geysaneysay ayaa la sheegay inuu dhowr Iska-horimaad ku dhexmaray caasimada dalkaas ee Nairobi.

Waaxda Dembi-Baarista Booliska ayaa sheegtay sheegay in 7 dabley ah lagu dilay iska horimaadyadaasi.

Dableyda la dilay ayay da’dooda ka hooseysay 25 jir, iyadoo kan ugu yar uu ahaa 18 jir sida ay sheegtay waaxda dembi baarista.

Booliska ayaa Hawlgaladaasi oo dhacay Xalay fiidnimadii iyo Waaberigii hore ee saaka ay ku soo heleen 2 bastoolad, Kombiyuutar Laptop ah iyo hanti kale oo dhaceen.

Dableyda ayaa Waaberigii saaka weeraray Ganacsade ku sugnaa Xarunta Ganacsiga ee Alpha Center ee ku taalla Wadada Mombasa Road ee magaaladda Nairobi iyagoo afduubtay Ganacsadihii, kana dalbaday lacag Madax Furasho ah.

Sidoo kale qaar ka mid ah Shaqaalaha Xarunta Alpha Center ayaa lagu xiray Suuliga, iyagoo laga dalbaday lacago ay isku furtaan.

James Mugera oo ah taliyaha Booliska Magaaladda Nairobi ayaa sheegay in Ciidanka ka hortageen dhacaasi, ayna toogasho ku dileen dableyda weerartay Xarunta Ganacsiga ee Alpha Center.

Booliska waxay Hawlgalladaasi ku soo qabteen Bastoolad iyo khasnad ay ku jireen 4 xabadood Bastoolad kale oo Caag ah hal Laptop HP ah, 6 Mobayl iyo waxyaaao kale.

- Advertisement -