(Akhriso) Xildhibaano ka hor yimid amar ka soo baxay xeer ilaalinta K/Galbeed

Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa ka  jawaabay loogu yeeray oo ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaalinta maamulkaas ee magaalaa Baydhabo

Xildhibaanadan oo maalmihii la soo dhaafay mucaaradayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis LaftaGareen ayaa sheegay in Hey’adda Xeer Dejinta KG ay tahay hey’adda ugu sareysa Dowlad Goboleedka, sidaas darteed cidda soo saartay warqada u yeerida Xildhibaannada aanay laheyn sharciyad dhameystiran oo sax ah.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareeen ayey sidoo kale ku sheegeen in aaney sharci noqon karin Xeer Ilaaliye Guud inuu qabto shaqo xafiis illaa uu ansixin ka helo Golaha Wakiilada magacaabista kaddib.

Sidoo kale waxay sheegeen in Xeer Ilaaliyaha Guud ee magacaaban aanu wali ansixin ka helin Baarlamaanka uu u gefay xeerarka kala duwan heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal, isla markaana uu meel uga dhacay xeerka anshaxa.

“Golaha Wakiilada DGKG waxay leeyihiin xasaanad buuxda, dacwad ciqaab la xiriirta inaan lagu oogi karin, lana eedeyn karin, i, haddii aan lagu arkin fal dambiyeed ay faraha kula jiraan” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo sidan hoose u qornaa:-

- Advertisement -