“ Haddii ay Dowlada Naf Badbaadineyso anagaba Naf baan Badbaadineynaa !!

Dhaqtar Magaciisa Diidey in loo adeegsado Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegey in ay aad ugu dhib qabaan Wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho isagoo sheegey in ay Quus ka joogaan in ay ka Howl,galaan Goobaha Caafimaadka Magaalada

“Hadii ay Dowladu sheegtey in ay Naf Badbaadinayaan, anagana Naf baan Badbaadineynaa, waxaa Maalin waliba nalaga Hor istaagaa in aan Gaarno Goobaha Caafimaadka iyo Isbitaalada oo ay nagu sugayaan Boqolaal Bukaan oo iyana Silic ku soo gaarey Goobta, qaarkoodna ay Dhaqtar la’aan ugu Geeriyoodeen isbitaalada “ ayuu yiri Dhaqtarkaas oo sheegey in marka ay Ciidamada Tusaan Kaararkooda Dhaqtarnimo waxayna Noogu jawaabaan Hadalo aad u Naxariisdaran. Sida “ War Dhaqtar ma aqaan ee Kaarkaada Bariis ku karso

“Bal Fiiri isbaaro ayaa la soo dhigey Isbitaalka Banaadir hortiisa, Mid kalaa taala Wasaarada arrimaha Dibada , sidoo kale mid baa iyana la soo dhigey wadada Digfeer waa yahay sow uma muuqdaan isbaarooyinkaas kuwa Bulshada looga Hor istaagayo in ay gaaraan Isbitaalada, sidoo kale Gawaarida Gargaarka Deg Dega ama Ambalaas ayaa iyana Dhibaatada Jid Xirnaanshaha Saameeysey, waxaa ka sii daran jidka Warshadaha oo si Toos ah loo marayey waxaa iyana la soo dhigey isbaarooyin, waxaana markii hore Ciidamada la faray in la baaro Gawaarida Magaalada soo galaysa, sidaa Darteed waxaan aaminsanahay in isbaarooyinkaas aysan Dowlada ka war qabin”ayuu yiri Dhaqtarkaas

“Dowladu waa in ay isweydiisaa hadii ay sheegtey in ay Qarax ka hor tagtey oo ay ku dhiman lahaayeen Boqolaal Soomaali ah, Imisa Soomaali ah ayaa u dhiman kara Maalinkii Dhaqtar La’aan”ayuu yiri Dhaqtarkaas oo sheegey in Dad badan oo Soomaali ah ay Noloshooda ay Saameysey Xirnaanshaha Wadooyinka sidaa Darteed waxaan Dowlada uga fadhinaa in ay xal kale la Timaado oo ku aadan Xirnaanshaha Wadooyinka

“Waa la yaqaan Dhamaan Wadooyinka oo hal mar la xiro ma garan karo in wadooyinka ay socdaan Gawaari markaan weydisana Gawaaridaas Sababta loo soo daayey waxaa uu ku leeyahay Si farsameysan baan ku soo Gudbey ,

Waxaa Shacabka loo sheegey markii ay Howlgalayeen Ciidamada xasilinta in ay Baarayaan Gawaarida ma garan karo waxa keeney in Gawaarida la Joojiyo ama Xanibaad lagu sameeyo,marka waxaa u qaatey in Amarkii Ciidamada la siiyey mid jeebkooda ah la soo Baxeen

Ugu dambeymn Hadii aan xal Deg deg ah loo helin Xirnanaashaha Wadooyinka ee Joogtada noqdey in shacabka ay arrintaan ka dhiidhin doonaan sidoo kale waxaan Dowlada Federaalka u soo jeedinayaa in Maxkamad la soo taago Ciidamadii Hor istaagey Haweeneydii Ilmaha ku Dhashey Wadada hor marta Wasaarada Arrimaha Dibadda iyadoo isbitaalka Banaadir uu u jiro wax ka yar 300 oo Talaabo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@.co.u

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -