Tirinta codadka wareega ugu dambeeya doorashada oo socota (Yaa ku horeeya)

Waxaa socota tirinta codadka wareegii ugu dambeeyey ee doorashada Madaxweynaha Somalia, waxaana la furay sanaadiiqda codadka lagu ridayey, waxaana ku tartamay labada musharax ee kala ah Xasan Shiikh Maxamuud iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa goobta fadhiya labo wakiil oo ka socda labada musharax oo mid kasta loo dhiibayo codka uu helay musharaxa uu wakiilka ka yahay.

Codadka illaa hadda lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku horeeya musharaxa Xassan Shiikh Maxamuud, inkastoo aan la saadaalin karin natiijadana ay gadaal iska isbedeli karto.

Waxa la filayaa in marka ay tirinta dhamaato uu gudoonka Baarlamanku si rasmi ah ugu dhawaaqo tirada codeysay sida loo kala helay iyo waliba shaqsiga noqonaya Madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona Somalia.

La soco wixii soo kordha insha allaah.

- Advertisement -