Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka ee howlgala Somalia oo Maxkamad la soo taagay

Taliyeyaal ka tirsan ciidamada gaarka ee Mariiniska Mareykanka ayaa loo oggolaaday inay dib u shaqo galaan, ka dib markii lagu waayey eedeymo ahaa inay kufsadeen qaar ka mid ah Haweenka ka tirsan Ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Somalia ee ay jaalka ahaayeen.

Saraakiishan oo lagu kala magacaabo Taliye Jarrod Donaldson iyo Jon Franklin waxaa bishii May ee sanadkan dib loogu celiyey dalka Maraykanka, waxaana loo sheegay inay dib u shaqo geli karaan, inkastoo ay muteysan doonaan Ciqaab dhanka Maamulka ah.

Saraakiisha Difaaca ee Maraykanka waxay sheegeen in mid ka mid Taliyayaashaasi lagu soo eedeeyey inuu xodxodasho ah kula kacay Askariyad Maraykanka, xilligii askartaasi loo daad-gureynayey howlgalka ka socda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Labada Sarkaal ee loo fasaxay inay dib u hawl-galaan waxay ka tirsan yihiin ciidamada gaarka ee Mariniska Maraykanka ee US Navy Seal ee ka hawlgala Saldhigyadda Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalalka Jabuuti iyo Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo go’aan cusub ka qaatay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Hanti dhawrka Qaranka & Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka?

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dalalka Carabta oo cafiyay qeyb ka mid ah deyn uu ku lahaa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---