Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa labo kursi oo lagu dooranayo Jowhar oo la shaaciyay

Guddiga Hirgalinta Doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa xalay shaaciyay guddiga xulista ergada soo dooraneysa labo kursi oo ka mid ah kuraasta lagu dooranayo magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa lagu shaaciyay odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta HOP#141 iyo HOP#146.

Kursiga  HOP#141 waxaa  horey ugu fadhiyay Wasiirkii hore Amniga Maxamed Isloow Ducaale,  waxaana kursigan oo muddo khilaaf ka taagnaa doorashadiisa musharaxiinta ku tartamaya mar kale ku jira Xildhibaan Maxamed Islow Ducaale.

Waxaa sidoo kale kursiga kale ee HOP#146 ku fadhisay Xildhibaanadii Qaraxa lagu dilay Aamina Maxamed Cabdi , kursigan ayaa waxaa dhawwaan isku soo taagay gabar la dhalatay Xildhibaanada la dilay , lamana oga in loo xiri doono iyo in kale.

Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa ku harsan saddex kursi oo labo kamid ah hada la shaaciyay guddiga soo xulaya ergada dooraneysa, waxaana kursiga kale ee harsan loo xiray lana siiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -