Ra’isul Wasaare Rooble oo la shiray Wakiillo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo wakiillada beesha caalamka kala shiray xaaladda abaaraha dalka, ayaa ku boorriyay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Rooble ayaa u mahadceliyay Hay’addaha iyo dalalka gurmadka usoo fidiyay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen,waxa uuna xusay in baaxadda abaarta iyo baahida jirtaahi ay aad uga weyn tahay inta lala soo gaaray.

”Mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa dalalka iyo hay’adaha ilaa hadda gurmadka nala soo gaaray, waxaanse caddeynayaa in baaxadda abaarta iyo baahida jirtaahi ay aad uga weyn tahay inta na soo gaartay iyo itaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan mar kale caalamka ka codsanayaa in deg deg loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, si looga hortago macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adagtahay in wax laga qabto.” ayuu yiri Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa markale ugu baaqay Hay’addaaha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed in ay gacan ka geestaan u gurmadashada dadka Soomaaliyeed ee abaarta xooggan ku saameesay qeybo kamid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -