Raisul wasaare Kheyre oo kormeeray xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyed (Daawo Sawirro)

Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska guud ee Ciidanka Booliska, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Saraakiil ka tirsan Ciidankaasi.

R/wasaare Kheyre oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa kulan looga hadlayey dardar gelinta Ammaanka  la qaatay Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay kulankaasi, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii adkeeyo Amniga dalka, waxaana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku ammaanay inay ku guuleysteen sugiga amniga magaaladda Muqdisho, waxaana uu kula dardaarmay in la sii dardar geliyo shaqada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -