Golaha Wadatashiga Qaran oo yeeshay kulan fogaan arag ah (Maxaa ka soo baxay)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga.

Shirkan ayaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Lama sheegin wax go’aano ah oo ka soo baxay wadahadalkan Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen oo ku soo aadaya dowlad goboleedyadu ka socdaan doorashooyinkii xubnaha golaha shacabka inkastoo aysan ku socon qaab hufan, ayna hareeyeen musuqmaasuq iyo boob.

Kulankan ku qabsoomay fogaan aragga ayaa sidoo kale imanaya saacado kaddib markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay xayiraado dhanka safarrada ah iyo dhinacyo kale saarayaan siyaasiyiin la sheegay inay carqaladeynayaan dimoqraadiyadda Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -