Nooca cusub ee COVID-19 OMICRON oo xawli ku faafaya & digniino la soo saaray

Hay’adda caafimaadka QM ee WHO ayaa sheegtay in tirada kiisaska cudurka COVID-19 OMICRON ee adduunka ay toddobaadkii la soo dhaafay kordheen 71%, iyadoo gudaha America ay kordheen 100%.

WHO Waxay sheegtay in 90% dadka ugu daran ee xanuunku ku dhacay aysan tallaalneyn.

“Iyadoo Omicron uu u muuqdo mid aan darneyn marka loo barbardhigo Delta, gaar ahaanna kuwa la tallaalay, ayaa taasi waxaysan ka dhigneyn in loo aqoonsado mid fudud,” ayuu Dr Tedros ku yiri shir jaraa’id oo uu shalay qabtay.

“Sida noocyadii hore oo kale, Omicron wuxuu isbitaal dhigayaa isla markaana dilayaa dadka. Xaqiiqdii, kiisaska tsunami way badan yihiin waana kuwo degdeg badan, taasina waxay culeys saareysaa hannaanka caafimaadka ee guud ahaan dunida.” ayuu yiri

Omicron waa mid aad u faafa wuuna ku dhici karaa dadka xitaa haddii ay si buuxda u tallaalan yihiin. Si kastaba, tallaalka ayaa weli muhiim u ah inuu kaa difaaco xanuunnada daran ee sababi kara in isbitaal lagu dhigo.

UK ayaa diiwaan gelisay shalay 179,756 kiisas iyo 231 dhimasho la xiriirta Covid. Tiro isbitaallo ah ayaa sheegaya in xaalad xun ay ku jiraan sababo la xiriira shaqaalaha oo ka maqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -