Cumar Filish oo Guddoomiye cusub u Magacaabay degmo ka tirsan Muqdisho

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar  Max’uud Maxamed (Cumar filish) ayaa mar kale u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo horey xilkaas looga qaaday

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Ciise Maxamuud Maxamed  ayaa xilka haatan laga qaaday ayaa la magacaabay August 21, 2021, iyadoo lagu eedeeyay in ku fashilmay sugida amniga degmada Kaaraan.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Afar gudoomiye Degmo oo katirsan gobolka Banaadir oo uu ka mid ahaa Abshir kaaraan August 11 2021

Xilka mar kale loo magacaabay Abshir Kaaraan ayaa kusoo aadayo xili degmada kaaraan ay kusoo bateen mudooyinkii danbo falal amni daro ah oo iskugu jira dil, dhac hubeysan iyo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -