Qarax ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay Muqdisho & Booliska oo ka hadlay (Sawirro)

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa caawa ku qarxay wadada soddonka gaar ahaan meel ku dhow isgoyska baar Ubax ee magaalada Muqdisho

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax gaari oo caawa ka dhacay meel u dhow isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Booliiska ayaa sheegay in hal ruux uu ku geeriyooday qaraxa, halka laba ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Saldhiga Booliiska Dagmada Howlwadaag, Najiib Cabdi Abiib Najiib Carab ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko kadibna uu qarxay iyadoo ay ciidamadu ceyrsanayaan.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in wadahii gaariga oo kaliya uu ku naf-waayay qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -