Shiikh Shariif oo ka falceliyey hadalkii ka soo yeeray taliyaha ciidanka Xoogga dalka

Madaxweynihii hore ee Somalia musharaxa Shariif Shiikh Axmed ayaa soo dhoweeyey hadalkii taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo ciidanka dowlada uga digay iney ku milmaan arrimaha Siyaasada.

Shariif Shiikh Axmed ayaa hadalka taliyaha ku sifeeyey mid sax ah oo waafaqsan qawaaniinta iyo waajibaadka ciidamada dalka

“Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ee ku aaddan in Ciidanka Qaranka ka fogaadaan ku milanka arrimaha siyaasadda, diiraddana saaraan la dagaalanka argagixisada, waa hadal sharciga waafaqsan” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa intaas ku daray in hadalka taliyaha uu qeyb ka ahaa baaqyadii ay mudada dheer ku celcelinayeen.

“Ciidanka waa inay marwalba ka dhabeeyaan waxa ay u dhaarteen kana fogaadaan qaadashada amarrada qaldan” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray Madaxweynihii hore ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -