Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo arimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ku qaabilay Muqdisho Danjiraha dowlada Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Mudane FEI Shengchao, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo wax-wada-qabsiga Labada Dal.
 
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha, iyo sidii Labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhaqaalaha si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee Labada Shacab ee saaxiibbada ah.
 
Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha dowrka ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -