Maxkamad laashay go’aan lagu xiray saddex iskuul oo Islaami ah

Maxkamad maamulka ee magaalada Stockholm ayaa diiday xiritaanka saddex dugsi oo diinta Islaamka lagu barto oo ku yaalla magaalada Göteborg, taasoo lidi ku ah go’aankii guddiga kormeerka dugsiyada.

Kormeerku wuxuu go’aansaday inuu xiro saddexda dugsi ee Römosseskolan ee Göteborg laga bilaabo Nofambar 19, iyadoo sababta ku sheegay in xubnaha guddiga iskuulka aysan ku habboonayn inay qabtaan hawlo waxbarasho.

Dugsiyadu waxay ka tirsan yihiin Ururka Dugsiyada Horumarka (Framstegsskolan). Kormeerka dugsigu wuxuu sheegay in xubno badan oo ka tirsan guddiga maamulka ee ururka aysan ku habboonayn sii wadida hawlaha waxbarashada.

Maxkamaddu waxay sheegtay in la hakiyo go’aankaas inta laga gaarayo nuxurka arrinka, taasoo ka dhigan in dugsiyadu sii wataan howlahooda waxbarasho.

Ka dib go’aankii kormeerka ee lagu xiray dugsiyadaasi, waxay xeer ilaalinta ku soo eedeysay maamulihii hore ee dugsiyada wax isdabamarin iyo dambiyo maaliyadeed oo ka daran isagoo la wareegay lacag dhan 13 milyan oo karoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -