Ugaaska Murusade & qeybaha bulshada oo Dayniile ku soo dhoweeyey Boqor Cusmaan Buur Madow (Sawirro)

Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Abdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde iyo bulshada uu Hoggaamiyo ayaa si weyn degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ugu soo dhaweeyay Boqor Cusmaan Buur Madow iyo Xubno la socday oo maanta halkaas lagu casuumay.

Waxaa sidoo kale munaasabadan ka qeyb galay masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowlada oo uu ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Somalia Cusmaan Dubbe iyo xubno kale oo ka socday qebyaha bulshada.

Munaasabadan oo ahayd casuumad sharafeed aad loo soo agaasimay ayaa boqorka waxa lagu guddoonsiiyey Faras shaaximan oo lagu maamuusay.

Masuuliyiin iyo waxgarad Munaasabada ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyay imaaanshaha Boqor Cusmaan Buur Madow ee degmada Dayniile, waxayna sheegeen in Dayniile tahay dhul Soomaaliyeed laguna soo dhaweynayo cid kasta oo wax gal ah.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo gebegabadii Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah kaasoo loo baahan yahay in la ilaaliyo.

Ugaaska Beesha Murusade ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu degmada dayniile ku soo dhoweeyo Boqor Cusmaan Buur Madow oo sida uu xusay ka mid ah hogaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn.

“Boqor Cusmaan Buur-madow oo isna munaasabada ka hadlay ayaa isna ka mahad celiyay soo dhaweynta maamuuska iyo milgaha leh ee ay u sameeyeen Ugaaska C/llaahi  iyo beesha uu hogaamiyo.

“Soo dhaweyntan diiran ee la iigu sameeyey degmada Dayniile maaha mid quluubtayda ka go’eysa, waana mid astaan u ah in dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay mid asal u ah walaalaleynta, is dhexgalka bulshada iyo ka shaqeynta nabada iyo horumarka, waxaan uga mahad celinayaa Ugaas C/llaahi Ugaas Faracadde iyo bulshada uu horkacayo sida diiran ee ay noo soo dhoweeyeen oo runtii ah mid taariikhi ah ” ayuu yiri Boqor Buur madow.

Munaasabadaas soo dhoweynta ah oo ku dhamaatay jawi aad u farxad badan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo suugaan kala duwan oo ka turjumayey soo dhoweynta boqorka iyo kaalinta dhaqanka Soomaaliyeed kaga jiraan bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -