Xarun degmo oo si casri ah loo dhisay iyo Cumar filish oo xariga ka jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxmud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray xarunta degmada Cabdicasiis oo dib u dhiska lagu sameeyay.

Cumar Filish ayaa kormeeray dhismaha cusub ee degmada si uu qiimeeyo fulinta mashruucan iyo tayadiisa.

Waxaa uu mid mid u kormeeray xafiisyada kala duwan ee xaruntan iyo adeegyada lagu bixin doono, iyadoo dadka baahiyaha gaarka qabo loo sameeyay goob ay isticmaalan haddii ay adeeg u soo doontan xarunta degmada.

Ujeedadada leeyahay talaabadan waa in la ballaariyo adeegyada uu maamulka degmada gaarsiiyo bulshada degaanka” ayuu yiri Cumar Filish oo shacabka iyo maamulka degmada ugu baaqay iney ilaashadaan xaruntooda cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -