Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo kulan la qaatay hogaanka cusub ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay hoggaanka cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Rooble ayaa kula dardaarmay hogaanka cusub xoojinta iyo dardargelinta howlaha iyo adeegyada hay’addu siiso shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada DF ayaa kulan ay dhowaan  yeesheen ku  ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & jinsiyadda oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali, iyagoo xilka ka qaaday Agaasimihii hore ee hay’adda Mudane Maxamed Aadan Koofi oo muddo badan hayey xilkaas.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa ku wajahan  Magaalada Dhuusamareeb ee xrunta Maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad telfoonka ka dafay askari shaqo ku jiray iyo Hadal heyn ka dhalatay !!

Cabdi Cade

Milateriga qabsaday Dalalka Mali, Niger & Burkina Faso oo heshiis amni kala saxiixday

Caydiid Ali

Maxkamada Caalamiga ee ICJ oo dib u dhigtay Dhageysiga Dacwada Badda ee Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---