Hogaanka Ahlu sunna oo ka hadlay talaabada u qorsheysan dagaalkii Guriceel ka dib

Madaxa siyaasadda ee kooxda Ahlu Sunna ee dhawaan ka dagaallamay Galmudug ayaa ka hadlay tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan ka dib dagaalkii Guriceel

Cabdisalaan Aadan Xuseen, ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaan doono sidii uu horay u ahaan jiray oo ah la dagaalanka wax uu ugu yeeray cadowga ummadda Soomaaliyeed oo uu ula jeeday Al-Shabaab.

“Ahlu Sunna taladeeda waa in fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ka dul qaadaan, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan,” ayuu yiri madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna.

Aroornimadii hore ee maalintii Arbacada ayay ciidamada Ahlu Sunna ka baxeen magaalada Guriceel kaddib dhowr maalmood oo ay halkaas ku dagaallamayeen iyaga iyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka.

“Ahlu Sunna Waljameeca mar asta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa, Ahlu Sunna iyadoo u tureysa shacabka reer Guriceen iyo umadda Soomaaliyeed ayay go’aansatay inay bannaanka uga baxdo magaalada Guriceel,” ayuu yiri.

Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iyo maamulka Galmudug iney jebiyeen heshiiskii ay kaga soo baxeen Guriceel, ayna beegsadeen dad taageersan Ahlu suna.

Kooxdan ayaa lagu eedeeyay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid looga gol leeyahay sidii ay ku heli lahaayeen saameyn siyaasadeed, laakiin madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeyntaas.

 

- Advertisement -