Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Guriceel iyo meydad yaala xaafadaha qaar

Waxaa saakay wax xoogaa degan xaalada magaalada Guriceel oo sadexdii maalin ee lasoo dhaafay ka socdeen dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada federaalka ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo xoogag hubeesan oo taabacsan Ahlu Sunna.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in saakay joogsadeen dagaalkii xoogaanaa ee magaalada ka socday, waxa ayna xuseen in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo labada dhinac is dhaafsanayaan.

Ciidamada iska soo horjeeda ayaa ku sugan aaga Waqooyi ee magaalada Guriceel gaar ahaan halka loo yaqaan Jaamacada, waxaana halkaasi wali laga saari la yahay xoogag Ahlu Sunna oo difaacyo adag kaga jira.

Dagaalka sadexdii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Guriceel ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo aad u tiro badan, waxaana wali xaafadaha qaar yaala dhaawacyo iyo meydad ay adag tahay in lasoo qaado.

Xoogaga Ahlu Sunna dagaalka kaga dhaawacma ayaa ku jira xaalad go’doon ah, mana heestaan kooxdaasi magaalooyin iyo isbitaalo ay ula cararaan dhaawacyadooda halka ciidamada kasoo horjeeda gaadiid iyo diyaarado lagu qaadayo dhaawacyadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -