Ayatollah Ali Khamenei oo ugu baaqay Taalibaan in ay ku ag dukadaan Shiicada

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarada sii kordhaya ee kooxda Daacish ku qaadeyso masaajida iyo goobaha kale ee ku cibaadeestaan Shiicada Afganistan.

Ayatollah Ali Khamenei, ayaana ugu baaqay kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada Afganistan in ay xaqiijiyaan amaanka dadka shiicada gaar ahaan masaajida iyo goobaha kale ee ku cibaadeestaan Shiicada.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iran sida kaliya ee Taalibaan amaanka shiicada Afganistan kunool gaar ahaa goobaha ay ku cibaadeestaan ku ilaalin karaan ay tahay in ay ku ag dukadaan dadka shiicada ah.

Ayatollah Khamenei, ayaa ugu baaqay Suniyiinta iyo Shiicada in ay gacmaha is qabsadaan si ay u noqdaan dad muslimiin oo awood leh, waxa uuna ka codsaday Suniyiinta in ay ka qeyb galaan munaasabada xuska ay leeyihiin Shiicada .

Dalka Afganistan ayaa tan iyo markii talada la wareegeen kooxda Taalibaan waxaa ka dhacay weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaaday masaajid ay ku cibaadeestaan Shiicada , waxaana weeraradaasi fuliyay kooxda ISIS-K.

Kooxda Taalibaan ayaa si kulul u cambaareesay weerarada lala beegsaday Shiicada, waxa ayna kooxda ku hanjabtay in talaabo adag ka qaadeyso kooxda ISIS-K oo iyagu ka dambeeyay weerarada Shiicada ka dhanka ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -