Wararkii ugu dambeeyey waanwaanta laga dhex wado Farmaajo iyo Rooble

Waxaa weli socda waanwaanta laga dhex wado Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa, waxaana dadaaladaas hoggaaminaya Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Al Cadaala ayaa caawa kulan qeyb ka ah dhexdhexaadinta ugu tagay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo kala hadlay in la isu keeno isaga iyo Rooble si ay wadahadal toos ah uga yeeshaan qodobada la isku hayo.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kala wataan shuruudo ay ka mid yihiin a in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Arrimaha Gudaha, waana dood xoog leh oo dhanka Farmaajo ka socoto iyo in Bashiir Goobe la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA aheyn.

Rooble ayaa diidan qodobadaas, isagoo sidoo kale isna wata qodobo kale oo ay ka mid yihiin in Kiiska Ikraan Tahliil loo madax baneeyo Maxkamada ciidamada qalabka iyo in Bashiir Goobe loo daayo xilka taliyaha NISA.

Sidoo kale, waxyaabaha la isku hayo waxaa ka mid ah cida iska leh awooda amniga dalka iyo talisyada ciidamada.

Wasiirada qeybta ka ah waanwaanta ayaa sheegay iney meel wanaagsan marayaan dedaalada ay wadaan, kulamadooda maantana ay horumar la taaban karo ka sameeyeen inkastoo aysan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -