Fahad Yaasiin oo caawa kulan xasaasi ah la leh taliyeyaasha ciidamada

Guriga uu Agaasimihii hore ee NISA ka degan yahay Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ka socda kulan xasaasi ah oo Fahad Yaasiin la leeyahay Taliyeyaal ka tirsan ciidamada sida Taliyaha Booliska DF, Booliska Gobolka Banaadir iyo Ku-simaha NISA ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda illaa hadda waxyaabaha looga hadlayo kulankan oo ku soo beegmay xili qalalaase siyaasadeed uu ka dhex jiro madaxda sare ee dalka kaasoo abuuray kala qeybsanaan xoogan iyo loolan dhinaca awooda ah.

Kulankan caawa ka socda Villa Somalia ayaa muujinaya in Fahad Yaasiin uu weli saameyn ku leeyahay dhanka Taliyeyaasha ciidamada.

Fahad Yaasiin oo saaka ku soo laabtay dalka ayaa udub dhexaad u ah khilaafka ka dhex aloosan madaxda dalka oo ka dhashay dilka Ikraan Tahliil oo lagu waayey gacanta ciidamada NISA oo Fahad Yaasiin taliye u ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -