Weerar Dhimasho badan sababay oo lagu qaaday Jaamacada Perm State University (Sawirro)

Arday hubeesan ayaa toogasho sababtay khasaaro badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka geestay dhismaha Jaamacada Perm State University ee kutaala magaalada Perm ee dalka Ruushka.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhintay 8-qof halka tiro kale oo badana ay ku dhaawacmeen, waxaana toogashadan ka dhacday gudaha jaamacada xili ay ardayda fasaladooda ku jireen.

Ciidamada booliiska Ruushka oo si deg deg ah u gaaray jaamacada toogashada ka dhacday ayaa halkaasi ku dhaawacay kadibna goobtaasi ka xiray ardaygii hubeesnaa ee dhismaha jaamacada toogashada ka geesanayay.

Muuqaalo lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa laga dhax arkayay ardayda jaamacada qaarkood oo daaqadaha jaamacada oo dabaq ah iska soo tuuraya si ay uga baxsadaan toogashada ninka hubeesan geesanayay.

Toogashadan waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 24-qof oo 19-kamid ah la sheegay in rasaas ku dhacday halka kuwa kalana ay waxyeelo kasoo gaartay dhismaha jaamacada ay iska soo tuureen.

Dalka Ruushka toogashadan ka dhacday ayaa noqoneysa tii labaad ee sanadkan  goobaha waxbarashada dalkaasi ka dhacda, lamana oga wali waxa sabababay toogashada ardayga ka geestay jaamacadii uu dhiganayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -