Dowlada Jabuuti oo si adag u beenisay Warar been abuur ah oo laga faafiyay Madaxweyne Geelle

Dowlada Jabuuti ayaa beenisay warar laga baahiyay xaalada caafimaad ee Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle , waxaana baraha bulshada iyo Warbaahinada qaar baahiyeen in xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Liidato.

Warkan shakiga lagu galiyay xaalada caafimaad ee dalka Jabuuti ayaa shalay si weyn loogu baahiyay baraha bulshada iyo Warbaahinta qaar, waxaana la sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweynaha ay xumaatay loona qaaday dalka Faransiiska.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay wararka laga faafiyay xaalada caafimaad ee Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in xaalada Madaxweynaha wanaagsan tahay uuna joogo Jabuuti.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda, wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan. Kama uusan tegin dalka xagaagan oo dhan,” ” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka arimaha dibadda Jabuuti ayaana sheegay in Madaxweynaha xaaladiisa tahay mid aad u wanaagsan uuna rajo ka qabo in maalmaha soo aadan shaqadiisa kusoo laabto Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -