Mahad Salaad: “Al-Shabaabka dilay Ikraan Tahliil waa Fahad Yaasiin”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xubnaha golaha shacabka Somalia ee xiligoodu dhamaaday ayaa ka hadlay war ka soo baxay hay’ada nabad sugida Qaranka NISA oo lagu sheegay in Ikraan Tahliil oo ka mid ahayn nabad sugidda ay dileen Alshabaab.

Waxaa uu sheegay in Ikraan Tahlil aysan dilin Al-shabaab balse uu ka dambeeyo taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan:-

“Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah. RW Maxamed Xuseen Rooble waxaan kula talinayaa in uu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, dalkana in uu ka baxo aan loo oggolaanin si Maxkamad loo soo taago!”

Warka ka soo yeeray NISA ee sheegaya in Ikraan Tahliil oo ka mid ahayn nabad sugidda ay dileen Alshabaab ayaa dood kulul ka dhex dhaliyey baraha bulshada, iyadoo dadka intooda badan ay aaminsan yihiin dilka Ikraan aysan Al-shabaab shaqo ku laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -