Dowlada Itoobiya oo shuruudo ku xirtay dayuuradaha tagaya gobolka Tigray

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay diyaaradaha degaanka Tigray ku socda ama ka yimaadda inta aysan dalka soo gelin ama ka bixin ay ku soo degi doonan garoonka dayuuradaha caalamiga ee Bole ee magaalada Addis Ababa si baaritaan loogu sameeyo.

Hay’adda duullimadyada rayidka ee dalka Itoobiya waxay sheegtay diyaaraddi fasax haysato oo keli ah iney ka dagi karto deegaanka Tigray ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi

Dowladda oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha tagay Tigraay ayaa go’aankeeda dib uga laabatay kaddib markii ay qiimeysay codsiyada caalamka uga imanaya iyo xaaladda bani aadaminimo ee degaankaasi ka jirto.

Hay’adda waxay sheegtay diyaarad kasta oo gargaar u sidda deegaanka Tigray in looga baahan yahay iney marka hore ku soo degto garoonka caalamiga ee Boole oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale dowlada ayaa sheegtay in dayuuradaha ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines aysan tegi doonin gobolka Tigray, waxaana shirkaddan oo ka mid shirkadaha ugu waaweyn Afrika iska leh dowladda Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -