Labo nin oo laga sugayo inay soo gudbiyaan qaabkii loo dili lahaa !!

Maxkamadda ugu sarreysa gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka ayaa hakisay dil lagu fulin lahaa labo nin, ka dib markii ay siisay fursadda ah inay soo gudbiyaan qaabkii loo dili ahaa haddii ay ahaan laheyd in koronto lagu xiro ama la toogto.

Sharciga cusub ee dhawaan laga meel mariyay ee gobolkaas ayaa dhigayaa in dadka lagu riday xukun dilka ah, in lakala dooran siiyo laba qaabood – waa haddii meesha ay ka baxdo dawada lagu dilo xukunka in lagu fuliyo sugaya.

Sababta waxay tahay in mas’uuliyiinta xabsiyada gobolkaas aysan heysan weli koox gaar ah oo dilka toogashada ah ku fuliya dadkan, sidaa darteed maxkamadda sare ayaa hakisay fulinta xukunka dilka ah.

Brad Sigmon iyo Freddie Owens ayaa lagu waday in xukun dil ah lagu fuliyo bishan.

Maxaabiistan ayaa laga diiday codsi ahaa in lagu duro dawo sun ah, ka dib maamulka xabsiga uu sheegay in aysan heysan suntii lagu dili ahaa.

Gabaabsiga ku yimid suntii lagu dili jiray dadka lagu xukunka dilka ee gobolkan, ayaa horseeday in hakad uu galo fulinta xukunnaddii dilka ee laga fulin jiray halkaas, muddo 10 sano ah.

Sharci cusub oo ka dhaqan galay gobolkaas, bishii la soo dhaafay, waxaa uu meesha ka saaray in waligood aanan wax xukun ah lagu fulin ragggaas, mar haddii la waayay suntii lagu dili lahaa.

Maadama maamulka xabsiyada gobolkaas uusan laheyn koox gaar ah oo fulisa dilka toogashada ah, tallaabada waxay tahay in ragga soo haray ee aan xukunka dilka ah lagu fulinin, in lagu xiro koronto.

Balse qareennada Brad Sigmon iyo Freddie Owens ayaa ka hor yimid tallaabadaas, waxay ku doodeen in raggaas ay heystaan fursadda ah inay soo gudbiyaan qaabkii loo dili lahaa haddii ay ahaan laheyd in dawo sun ah lagu duro.

Qareennada raggan ayaa maxkamadda sare ee gobolka u gudbiyay racfaan ay ku dalbanayaan in aan lgu fulinin xukunka dilka ah illaa dacwaddooda laga dhageysanayo.

Arbacadii maxkamadda ayaa soo saartay go’aan ku saabsan arrinataas, waxayna sheegtay in raggaas laga doonayo in ay soo gudbiyaan qaabkii loo dili lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -