Israel oo burburisay xaruntii Tv-ga Aljazeera ee Gaza & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Dhisme ay Magaalada Gaza ka degenaayeen warbaahino Caalami ah oo ay ka mid yihiin Aljazeera, Associated Press, AFP iyo qaar kale ayaa la burburiyey ka dib markii ay duqeeyeen ciidamada Yihuuda

Safwat Al Kahlout oo ka tirsan Al Jazeera ayaa sheegay inay ka war heleen in la duqeynayo sidaasna ay ku suragashay inay saxafiyiintii ka howlgalayay dhismahan dhaqsi uga baxaan, Balse dhismahan oo dhowr dabaq ka koobnaa ayaa gebi ahaanba dhulka lala simay.

Weerarrada cirka ah ee Israel iyo gantaalada Hamas ayaa galay maalintii lixaad, iyadoo aysan muuqan rajo laga qabo in hadda la gaaro xabad joojin deg deg ah.

Diblamaasiyiinta Carabta iyo Mareykanka ayaa isku dayaya in xaaladda la qaboojiyo, ka dib habeen ay rabshado iyo duqeymo hareeyeen oo ay xalay ku waabariisteen dadka Falastiiniyiinta iyo Israel, ka gadaal markii ay Israel sii xoojisay bambaanooyinka ay ku garaaceyso waqooyiga Gaza, halka ururka Hamas ay ugu yaraan 200 oo gantaal ku tuureen magaalooyinka Israel.

Weerar cirka ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 12 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur.

Jimcihii, rabshadaha u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ayaa sii xoogeystay ka dib markii uu dagaal ka qarxay Daanta Galbeed xilli ay socdaan duqeymaha diyaaradeed ee Gaza iyo xasillooni darro ay Carabtu ka dhex bilaabeen gudaha Israel.

Qeybaha ka tirsan Daanta Galbeed, boqolaal Falastiiniyiin ah iyo booliiska Israel ayaa isku dhacay, iyadoo ay Falastiiniyiintu tuurayeen dhagxaan islamarkaana gubayeen taayaro , waana mudaaharaadyadii ugu weynaa ee muddo dhowr sano ah ka dhaca gobolka.

SAWIRKA HOOSE: Burburka Dhismaha Gaza ee warbaahinta caalamiga ah

SAWIRADA HOOSE: TEL-AVIV

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -