Qarax ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida iyo Khasaare ka dhashay (Sawirro)

Qaraxa ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay Degmada lagu Magacaabo Sagag, Gaar ahaan qabalaha karin-barkhadle ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kaasoo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka la geliyey  ayaa haleelay gaari ay leedahay Shirkadda dhismaha ka wada wadada isku xirta Degmada Sagag & dhagaxmadow.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay qaraxa ku dhaawacmeen afar Ruux oo Gaariga saarnaa kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka.

Miinada qaraxday ayaa loo malaynayaa iney qeyb ka aheyd haraadiga hubkii la isku adeegsaday dagaaladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo dhowr jeer sidaan oo kale ay miinooyin u qarxeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa gaaray halka uu ka dhacay qaraxa, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawaca afarta Ruux, waxaa sidoo kale uu burbur xoogan gaaray Gaariga uu qaraxa qabsaday.

- Advertisement -