Dowlad daris la ah Soomaaliya oo ogolaatay in Dameeraha la qasho lana iibiyo hilibkooda !

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa ku amartay dowlada in ay qaado xayiraadii saarneed in la qalo sidoo kale laga ganacsado hilibka dameeraha oo horey amar uga soo baxay sanadkii hore dowlada lagu mamnuucay.

Dacwad ka dhan ah go’aanka dowlada Kenya ku amnuucday in la qalo sidoo kale laga ganacsado hilibka dameeraha waxaa ka gudbiyay mid kamid ah maamulada kawaanada lagu qali jiray hilibka dameeraha .

Maxkamada sare ee Kenya ayaa sheegtay in dowlada aysan la imaan cadeymo ay ku difaaci karto kiiskeeda, waxa ayna maxkamada amartay in afarta kawaan ee lagu qalo hilibka dameeraha loo fasaxo in shaqadooda dib u bilaabaan.

Dowlada Kenya ayaa go’aanka ay ku manuucday gowracada dameeraha iyo in la dhoofiyo sabab uga dhigtay in ay sii yaraanayeen dameeraha kunool dalkaasi, waxa ayna dowlada maamulada kawaadanada dameeraha lagu qalo ugu baaqday in xoolaha kale gowracaan.

Tirada dameeraha kunool dalka Kenya ayaa lagu qiysaasy  in ay gaarayaan 1.8 milyan ilaa 1.2 milyan intii u dhaxeysay 2009 iyo 2019, waxaana qiimeyn la sameeyay lagu sheegay in afarta kawaan ee Kenya kuyaala maalintii lagu gowracoilaa kun dameer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -