Xildhibaano caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Xassan Shiikh (Sawirro)

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Somalia oo u badan mucaarad ayaa caawa booqday hoyga uu degan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo ku yaalla xaafada Mirinaaya ee degmada C/casiis.

Xildhibaanada booqday Xassan Shiikh oo ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan Odowaa, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo qaar kale ayaa uga tacsiyadeeyey weerarkii shalay cidamada DF ku qaadeen hoygiisa.

Xildhibaan Odowaa ayaa qoraal uu kaga hadlay arrintan soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri.

“Waxaan salaan ugu tagnay aniga iyo xildhibaanno saaxiibadeey ah madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud, Waxaan uga tacsiyeeynay weerarkii gardarrada ahaa ee ay shalay ku soo qaadeen Nidaamka Farmaajo hogaamiyo, Waxa uu inoo sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado in madaxweynihii uu xilka ku wareejiyay uu si sharci darro ah ku soo weeraro, Waxa uu ummadda Soomaaliyeed ugu baqayaa in sharci darradda iyo gardarrada la iska diido”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -