Dibed-baxyo looga horjeedo Farmaajo oo caawa ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

Banaanbaxyo looga horjeedo muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa ka bilowday aaga Mirinaayada ee degmada Cabdicasiis.

Dadka dibed-baxaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda ku aadan diidmada muddo kororsiga

Shacabka dibed baxaya qaarkood ayaa wata cod baahiyeyaal iyagoo ku dhawaaqya erayo ay ka mid yihiin, “Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo waa gacan ku dhiigle, Kaligi-taliye dooni meyno” iyo erayo kale.

Ciidamo ka soo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo ayaa gacanta ku haya aaga Mirrinaayada ee degmada Cabdicasiis , waxaana shalay halkaas ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamo kale taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo ciidamo diidan muddo kororsiga.

Inkastoo maanta ay degeneyd Muqdisho ka dib dagaalo shalay iyo xalay ka dhacay haddana waxaa magaalada weli laga dareemayaa xiisad iyo dhiilo colaadeed, waxaana isa soo taraya baaqyada ka imanaya qeybaha bulshada oo lagu dalbanayo in magaalada laga joojiyo dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -