Dagaalo kale oo goor dhow ka bilowday nawaaxiga isgoyska Km4 & Saadaq John oo..

Iyadoo xaalad kacsanaan ah iyo iska horimaadyo ay maanta ka jireen magaalada Muqdisho ayaa dagaal cusub waxaa goor dhow Xiligii afurka ka dib uu ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Hodan.

Dagaalkan ayaa ka dhacaya nawaaxiga isgoyska Km4, wadada tarabuunka,  Taleex iyo aaga Madaxtooyadii hore ee C/qaasim, waxaana halkaas isku fara saaray ciidamo kala taabacsan DF iyo mucaaradka oo illaa galabta goobahaas isku hor fadhiyey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ka bilowday Koonfurta Muqdisho, gaar ahaan aaga km4 ay hogaaminayaan Jen Yuusuf Indhacadde iyo taliyihii hore ee ciidanka Booliska G. Banaadir Saadaq John.

Rasaas culus oo goos oo goos ah ayaa laga maqlayaa goobaha la isku fara saaray, iyadoo magaalada Muqdisho ay hadda u muuqato iney lugaha la gashay dagaal cusub.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana xiran wadooyinka soo gala Km4., xaalada ayaa kacsan iyadoo shacabka Muqdisho ay ka cabsi qabaan in dagaalku ii soo xoogeysto.

- Advertisement -